Daawo Video: Ururka Suxufiyiinta Puntland oo Cambaareeyey Xarigii ay Xukuumada GAAS u Xirtay Wariyayaasha

84

23 May (Puntlandes)- Maanta ayaa Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay GAAS waxay Xabsi u taxaabtay magaalada Garowe Agaasimihii idaacadda Daljir qaybteeda Garowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) iyo tifatirihii Daljir Garowe Jamaal Faarax Aadan, mana aysan sheegin Xukuumadu sababta ay ku xirtay laakiin waxaa loo badinayaa Barnaamij ay Xalay ka sii daayeen Radio Daljir oo looga hadlayey Waxqabad la’aanta Xukuu,mada GAAS.

Waxaa isla maanta cod dheer ku cambaareeyey Ururka Saxfiyiinta Puntland MAP iyo madaxda Radio Daljir. Xukuumaga GAAS ayaa waxay caadaysatay Xaburin, Cagajuglayn iyo Xarig ay ku hayso saxafiyiinta Puntalnd iyadoo WAX QABAD LA*AANTII ku darsatay Dulqaad la’aan, wax maqlid la’aan iyo Indho la’aan.

Halkan ka akhri qoraal ku saabsan xariga wariyayaasha

Daawo Videowga lagu cambaareeyey Xukuumada GAAS

Puntlandes.com

About The Author