Daawo Video: Madaxweynaha Jubaland Shirkii Jara’id qabatay “Jubaland waa Tashanaysaa”

23 May (Puntlandes)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ku qabtay Shir jaraa’id  Caasimada ku meel gaarka ah ee Kismaanyo isagoo kaga hadlay wax badan oo ka mid ah marxaladihii ay soo martay Jubaland iyo halka ay maanta joogto.

Shirkii Jara’id ee uu maanta qabatay ayuu kaga hadlay kuwa diidan kana soo horjeeda Baarlamaanka Jubaland isagoo madaxweynuhu uu ku sifeeyey kuwaas in ay yihiin kuwa Isir nacayn ka buuxo iyo kuwo Federaaldiid ah. Madaxweynaha ayaa iswaydiiyey waxa uu yahay Federaalka ay Soomaaliya qaadatay isagoo yiri dadka dawlad Gobaleed ku nool waxa ka mas’uul ah mas’uulka madaxda u ah dadkaas ee ma qusayso nin meel kale jooga ama ku nool oo ay isku qabiil yihiin.

Madaxweynaha oo hadalkiisa ku soo daray Xildhibaanada Federaaldiidka ah ee ka soo horjeeda Baarlamaanka Jubaland, waxuuna iswaydiiyey yaa awood u siiyey inay soo faragashtaan Baarlamaanka Jubaland wuxuuna ugu baaqay inay shaqadooda qabsadaan taasoo ah inay ka shaqeeyaan Hiigsiga 2016 ka, wuxuuna yiri madaxweyne Axmed ” Aad ayaan uga xumahay dhaqanka Baarlamaanka, Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaan leeyahay ma Gudoomiye qabiil ayaad tahay mise mid Qaran, maxadweynahana waxaan leeyahay kam muuqo ama ka maqnow”

Madaxweynaha ayaa mar uu la hadlayey Maamulka Koonfur Galbeed ayuu yiri ” maamulka KG waxaan rabaa in aan u soo jeediyo Colaad waxaan ka soo gudubnay 1991, Lixda gobol ee aad raadinaysaana waa Riyo aad riyoonaysaan idinkoo soconaya…. waxaasi wax shaqaynaya ma aha” Wuxuuna Madaxweynaha KG ugu baaqay in uu ka adkaado maamulida Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Axmed madoobe  ayaa wuxuu si xanaaq ku jiro uga hadlay soo jeedin ka timid dadka wax diidan taasoo ay ku dalbanayaan in 20 Kusri oo lagu qancinayo lagu daro Baarlamaanka Jubaland wuxuuna yiri madaxweynuhu “Irida hadalka maanta lala wareegayo ee ah 20 Kursi ha lagu daro Baarlamaanka yeelimayno, hal kursi lagu darimaayo…. Riyadani ma soconayso”

Ugu dambayntii madaxweynaha ayaa ka digay qatarta ka soo socota Mooshinka Xamar lala wareegayo wuxuuna yiri “Haddii Kiiskaani uu sidaa ku sii socdo waxay noqonaysaa in Albaabada la kala xirto, waxay noqonaysaa in Puntland teeda ku ekaato ….. Jubaland inay sideeda ahaato..” Wuxuuna ku dhawaaqay madaxweyne Axmed Madoobe haddii Mooshinku uu maro Baarlamaanka inay u jarayaan dhamaan wada shaqaynta ka dhaxaysay DFS wixii bari ka dambeeyana ay ka madaxbanaandoonaan wuxuuna yiri “Fadhigan haday noqoto in uu beri dhaco uu maro Mooshinku waxaan rabaa in aan idiin sheego in joojinayno Macaamilo kasto oo Federaalka iyo Muqdisho noogaga xirnayd halkaasna ay ku dhamaatay. waan joojinaynaa, waan joojinaynaa, waxba yaab Xildhibaano Bixin oo Kooram baa buuxsami waayey aan la oran”

Madaxweynaha ayaa gabogabadii baaq u diray BEESHA Caalamka wuxuuna yiri “2016 ka yeelimayno Baarlamaanka hada jira in waqtiga loo kordhiyo, waxa u baahan in la badelana waa Baarlamaanka…. waan in fiiro gaar ah loo yeeshaa QASWADAYAASHA”

Daawo Shika jaraa’id oo aad u xiiso badan

Puntlandes.com

About The Author