Agaasime Gaardi iyo Wariye Jamaaal Faarax oo la soo daayay

81f

24 May (Puntlandes)- Waxaa maanta dib xoriyadoodii u helay oo xabsiga laga soo daayay agaasimihii Idaacadda DAljir ee GArowe Cabduraxam Xuseen Xasan Gaardi iyo wariye Jamaal FAarax Aadan oo shalay ay ciidamada Puntland xabsiga u taxaabeen. Ururka saxaafadda Puntland iyo kuwa caalami ah ayaa Cambaareeyey xarigan labada wariye.

Dawlada Puntland ma aysan shegin sababta ay u cuskatay Xariga wariyayaashan ay shalay xirtay, saaka uunbay iska soo daayeen.

Puntland ayaa noqotay tan markuu xilka la wareegay madaxweyne GAAS meelaha lagu xadgudbo Xoriyada saxaafada oo ah qodob Dastuuri ah.

Puntlandes.com

About The Author