Sawiro: Madaxweyne Gaas oo daah furay xafiiska qunsuliyadda dawladda Yemen ee PL uguna baaqay Yemeniyiinta in PL gacmo furan ku soo dhawaynayso

24 May 2015 (Puntlandes)- Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furay xafiiska Qunsuliyadda Dawladda Yemen ku yeelanayso Puntland .

Munaasabada furitaanka xafiiskaan oo ka dhacday hoolka Hotelka Gacayte ee Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad , Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso, Qaxootiga dalka Yemen ka soo qaxay iyo mart sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sirasmi u furay xafiiska cusub ayaa sheegay in ay Puntland mar walba garab taagan tahay walaalahooda Yemen, dhulka Puntland uu yahay dhulkoodi labaad dhinackastana ay dawladda iyo shacaba garab taagan yihiin.

Madaxweyne GAAS ayaa ku dhawaaqay in si wanaagsan loo baahanyahay in loogu soo dhaweeyo Shacabka dalka Yemen ayna ku soo dhawaadaan Puntland.

Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Yemen oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in uu si aad ah ugu mahadcelinayo dawladda iyo shacabka reer Puntland oo aan si aan kala har lahayn uga qeyb qaatay soo dhaweynta iyo garab istaaga walaalaha ka soo qaxaya dalka Yemen ee dhibaatada colaadeed ku habsatay.

Waxaan la saadaalin karin saamaynta ay ku yeelanayso Shacabka dagaaladu aafeeyeen ee dalka Yemen baaqan maanta uu u jeediyey madaxweynaha Puntland inay ku soo dhawaadaan Puntland.

Waxaa kaloo iswaydiin leh sida uu ku xakamayn karo Amniga madaxweyne GAAS  maadaaba uu awalba tabar u la’aa Amniga iyadoo laga baqayo in ay Kooxaha Argagíxisada ah ku soo dhuuntaan maatada dagaalada ka soo qaxaysa

Daawo sawiro
85

85b

85c
85d

85e
Puntlandes.com

About The Author