Wasiirka Qorsheynta Caynte: ”Tahriibayaasha saxaruhu 80% waa Puntland iyo Somaliland”

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dawlada Federalka Somaaliyeed Mudane Cabdiraxmaan Caynte ayaa wakhtigan xaadirka Marti u ah jaaliyada beeshiisa ee ku dhaqan dalka Holland.

Wasiirka oo Khudbad ka jeediyay kulan ay xubnaha jaaliyada ka soo qayb galeen ayaa aad ugu dheeraaday wax qabadka xukuumadiisa iyo horumarka balaaran ee ka jira magaalada Xamar,oo wasiirku sheegay in mudo 24 Sano ah dad somaali ahi dagaal siyaasadeed iyo mid hubeysan kula jiraan.

Wasiirka oo hadalkiisa iyo warbixintiisa ku dheeraaday ayaa xusay in maalinta Talaadada ee 26.may uu soo saari doono warbixin tirkoob shacbiga Somaaliyeed ah oo lagu sameyey satellite,taas oo salka ku haysa cilmi baarisyo hore oo uu sameyey wakhtigii uu ahaa agaasimaha hayada cilmi baarista ee Hertige, Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in maamulka somaliland markii uu tusay warbixinta ay raali ka noqdeen, lakiin uu ka welwelsan yahay in maamulka Puntland iyo Jubbaland ay ka horyimadaan tirakoobkaas.

Wasiir Caynte ayaa sidoo kale Khudbadiisa ku xusay fara Gelinta Dawladaha deriska,isagoo sheegay in dawlad waliba xafiis Qunsuliyad ah ka furtay gobolada dalka,iyadoo aan waxa ogolaansho ah weydiisan xukuumada Xamar,waxa uu sidoo kale waxa laga xumaado ku sheegay martiqaadayda Dawlada ha derisku u sameyaan madaxada maamul goboleedada Somaaliyeed.

Wasiirka Mar uu ka hadlaayey tahriibta iyo dhibaatada ay ku hayso dhalinyarada Somaaliyeed, ayuu sheegay in cilmi baaris ay sameyeen muujinayso in tahriibayaasha Somaaliyeed ee saxaarahu boqolkiiba 80 % ay ka yimaadeen Puntland iyo Somaliland.

Khudbada iyo warbixinta wasiir cante siiyey Jaaliyada beeshiisa ee Holland ayaa u muuqatay mid caadifadeysan oo lumisay Xasanadii iyo haybadii qof masuul ah laga filaayey.
Puntland iyo shacbigeeda hurdaaba waxay sugaanba waa tirakoobka satelliteka ah ee Wasiir Caynte.

87

87a

87b

Xigasho: Puntlandi.com

About The Author