Xarunta Agoonta ee Deegaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug oo dhamaystir u baahan

Dhismaha   xarunta   Agooonta ee  Deegaanka Cagaaran ee  Gobolka Mudug Agoon Daryeel”  ayaa  hakad ku yimid   waxaana baaq  loo dirayaa dhammaan  dadka muslimiintaa ee Soomaaliyeed gaar ahaan  Qurba jogta  Puntland  inay ka qayb qataan  dhamaystirka dhismaha  Xarunta Agoonta ee Deegaanka Cagaaran (Agoon daryeel)

Xarunta oo loo dhisaayo  Caruurta   agoonta ee aan awoodin waxbarashada asaasigaa  ayaa waxaa  gacanta ku haya Safiyo Ashkir Cali Seed   waxaana dhismaheeda labilaabay 21,diseebar 2013, Safiyo  Ashkir Cali ayaa baaq), u diraysa Qurba jogta Puntland   gaar ahaan qurba jogta deegaanka Cagaaran”  iyo gudd ahaanba Gobolka Mudug”inay ka qayb qataan dhismaha    College-ka  Agoonta ee   (Agoon Daryeel)  kuna  taal deegaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug..

Xarunta agoonta ayaa  ah  xarun aad  u ballaaran  kana kooban labo qaybood oo Wiilal iyo Gabdho  isku jirta qayb kastana ay ka koobnaan doonto 25  QOL” oo  leh dhammaan  Goobihii adeega  sida qaybtii cunto  karinta qaybtii nasashada iyo qayb  carruurtu ku ciyaarto, Masaajid iyo deyr weyn..

Hadaba  waxaa  Qurba jogta  Reer Cagaaraan loogu baaqaya inay ka qayb qataan dhamaystirka  College  agoonta ee  (Agoon Daryeel).  sidookale    Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntand  waxaa luugu baaqayaa  inay ka qayb qaatato dhamaystirka xaruntaas  agoonta ee deegaanka Cagaaran oo muhiim  kobcinta dhallanka aan awoodin waxbarashada..

 Ugu dambayntiina hormuudka xaruntaan agoonta ee Agoon Yaryeel  Marwo Safiya Ashkir Cali seed ayaa waxay    fariin  u diraysaa si gaara bulshada ka soo jeeda deegaanka Cagaaran ee Gobolka  Mudug’ inay  u dhaga nug ladaan  ka qayb qadashada xarunta Agoonta  sidookalana   qof kasta oo muxsina ay u furan tahay ka qayb qadashada xaruntaas Agoonta..

Waxaad  kala soo xiriiri karaata

Hormuudka  Xarunta Agoon daryeel

Safiyo Ashkir Cali Seed iyo

Telefoonadan–
+252907282912

+252907797067

+447415314674

Sawirada Daawo

5

6

8

4

2

7

10

11

 

1

3

About The Author