Sawirro-Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey xubnihii Garsoorka Maxkamadda Sare

01 Nov 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhigii 7-aad ee kalfadhiga 51-aad.

Ka hor intaan codka kalsoonida loo qaadin ayaa waxaa xubnaha Garsoorka sare lagu hor dhaariyey Mudanayaasha Golaha Wakiillada, iyada oo go’aan gole uu goluhu iskula qaatay maadaama uu dhacay firaaq Dastuuri ahi, sida uu qabo qodobka 132 -aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 54 Xildhibaan, ayaa waxay ku Ansixiyeen xubnaha magacaaban ee Garsoorka Maxkamadda sare ee DPL.

Waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 53 Xildhibaan, Aamus 1, Cid diiday ma jirin.

Waxayna sidaas ku heleen kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL, Waxaana lagu dhaariyey isla fadhigii maanta ee Golaha.

Garsoorka Maxkmadda sare ee maanta la ansixiyey oo ka kooban 7-xubnood ayaa kala ah

1. Xasan Yuusuf Nuur Guddoomiye

2. Axmed Sheekh Cumar Xasan Ku xigeen

3. Saciid Axmed Faarax Garsoore

4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore

5. Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore

6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah

7. Aadan Axmed Maxamed Garsoore Kayd ah.

About The Author