Sawirro: Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka oo shir guddoomisay shirka guddiga joogtada ee ka socda Garowe

05 Nov 2022 (Puntlandes) Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay shirka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka socda magalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Shirka oo socda maalintiisa sedexaad ayaa waxaa dood-dheer laga yeeshay horumarinta sidii loo dhaqan gelin lahaa shuruucda Golaha Baarlamaanka iyo maareynta ajendayaasha Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

About The Author