Abuukar Qaad-diid ”GAAS si cad oo ayuu u diiday inu wax ka qabto ”Qaadka” asagoo u danaynaya ‪shaqsiyad‬ ka ganacsada oo xiligii uu ololaha ku jirey uu madaxweyne Gaas taageeto dhaqaale ka helay”

89f

25 May 2015 (Puntlandes)-Abuukar Cawaale Qaad-diid ayaa qoraal dheer oo uu barta uu ku leeyahay Facebook ga soo dhigay wuxuu ku iftiimiyey diidmadii uu madaxweyne GAAS diiday in uu wax ka qabto Dhibaatada baahsan ee Qaadku ku hayo Bulshada reer Puntland.

Halgamaa Abuukar Cawaale Qaad-diid ayaa wuxuu ku sababeeyey diidmada GAAS inay la xiriirto isagoo u danaynaya Shaqsiyaad ka ganacsada Qaadka oo Taageero dhaqaale siiyey GAAS markuu ollalaha Doorashada ku jiray. Qaad-diid ayaa yiri xataa wuxuu diiday in uu Canshuurta ku kordhiyo Qaadka isagoo u danaynaya Ganacsatadaas.

Qaad-diid ayaa balan qaday in uu sii wadidoono la dagaalanka Qaadka haday Dacar ka qaraar tahayna uu sheegidoono waxa qaldan isagoo ka codsaday Taageerayaasha GAAS ee isku qaba in ay u hiilinayaan GAAS inay ugu hiiliyaan in ay u sheegaan Qaladkiisa si uu isku saxo kaas baa hiil u ahe.

Ugu dambayntii Qaad-diid ayaa ka codsaday Dhalinyarada Puntland inay abaabulaan Mudaharaad looga soo horjeedo Qaadka isagoo yiri “Ogaada walaalayaal #Gaas #Puntland ,baa ka Weyn Waxaana dhalinyarada Puntland ugu baaqayaa ineey abaabulaan ‪#‎Mudaharaad‬ looga soo horjeedo Qaadka”

halkan hoose ka akhriso Qoraalkii Abuukar Qaad-diid:

Aniga iyo Madaxweye Gaas…

Halkaan marka hore waxaan kasalaamayaa dhamaan shacabweynaha sharafta leh ee reer ‪#‎Puntland‬ ..gaar ahaan reer Facebook.

Walaayalal waxaan marka hore soo dhaweeynayaa inaan ku kala fikir duwanaan karno waxyaalaha qaar wixii dhaliil ahna waan soo dhaweeynayaa,Walaalayaal shalay Anigu ahaa ninkii u olloleynayey Madaxweyne ‪#‎Gaas‬ xiligii doorashada Puntland ay socotay…Waana ogahay inuu yahay Aqoon yahan ,waxyaalo badan ku fiican.dabcan waa biniaadam dhaliilo wuu yeelan karaa sida aan aniga iyo idinkuba u yeelan kartaan…

Waxaan idin xasuusinayaa inuu Madaxweyne #Gaas xiligii uu ku jiray ololaha uuna ahaa Musharax Madaxweyne uu balan qaaday inuu dhibaatada ‪#‎Qaadka‬ wax ka qaban doono sida aad ku arki doontaan‪#‎Vidiowgan‬ halkani ku lifaaqan.

Markii aan Puntland imid oo aan ilaa Garacad ilaa Boosaaso ilaa Buuhoodle guureeynayey waxaan u ordayey waxay ahayd danta iyo Mustaqbalka caruurta Puntland waxaan soo aruurinay xog. buuxda oo ku saabsan dhibaatada qaadku ku hayo dalka.

Madaxweyne ‪#‎Gaaz‬ si cad oo ayuu u diiday inuu wax ka qabto ,xataa wuxuu diiday inuu canshuurta ku kordhiyo asagoo u danaynaya ‪#‎shaqsiyaad‬qaadka ka ganacsada oo xiligii uu ollolaha ku jirey uu madaxweyne Gaas taageeto dhaqaale ka helay……asagoo u danaynaya Dadkaas daroogaada ka ganacsada ayuu dayacay xilkii uu kudhaartay oo ahayd inuu ka talinayo‪#‎Danta‬ ‪#‎Dadka‬ iyo ‪#‎Dalka‬. Wuxuuna si bareero ah u diiday taladii ay soo jeediyeen Culumada iyo Aqoonyahanka Puntland oo ku aadanayd in dhibaatada Qaadka wax laga qabto….

Daawo Culumada iyo Aqoonyahanada Puntland oo Madaxweynaha baaq u diray

Waxaan Ku dhiiranayaa haday dacar ka qaraartahay inaan sheegno wixii qaldan anakoo aan cidna ka baqaya ilaaheey mooyee ‪#‎ogaada‬ Dowlad ingiriis ah ayaan ku eedeyn jirney ineey dayaceen Soomaalida oo qaadka si ula kaca ugu dilayaa macadalaahi Madaxweyne Muslim ah oo daroogo‪#‎Xaaraan‬ ah difaacaya..

Dadka caytamaya oo isleh Madaxweyne #Gaas u hiiliya ,‪#‎Hiil‬ wuu idinka rabaa maanta hiillka dhabta ahna waa inaad u sheegtaan qaladkiisa aniga cidii igu nacaysa iyo cidii igula dagaalamaysa wacad waxaan ku maray inaan‪#‎Munkurka‬ Qaadka la dagaalamo ,waana wadayaa oo kana gaban maayo cid walba oo hor istaagta,

Ogaada walaalayaal #Gaas #Puntland ,baa ka Weyn Waxaana dhalinyarada Puntland ugu baaqayaa ineey abaabulaan ‪#‎Mudaharaad‬ looga soo horjeedo Qaadka.

Hada waxan ku suganahay ‪#‎Muqdisho‬ Waxaana wadaa ollole lamida kii aan Puntland ka sameeyey hadii Madaxweyne ‪#‎Xasan‬ sheekh uu wax ka qaban waayo waanu dhaliili doonaa cidna loo joojin maayo waa ‪#‎JIHAAD‬

Wabilaahi Towfiiq.?.

About The Author