Dhagayso: Gaas ”Baarlamanka DFS yuusan ku Mashquulin Jubaland”

25 May 2015 (Puntlandes)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi gaar ah siiyey maanta Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladaha amniga, Qarootiga Yemen ka soo qulqulaya, Shirka Gaalkacyo iyo Mooshinka Xildhibaano ka tirsanbaarlamaanka DFS ay ka keeneen dawlada Jubaland.

GAAS mar wax laga weydiiyey xaaladda amniga ayuu sheegay in ammaanka aad u fiican yahay uuna sugan yahay.

Wuxaana yiri isagoo sharxaya “anagu oran mayno dhaliili ma jirto, wixii dhaliil ah waa qaadaneynaa wixii saxitaan u baahanna wa saxeynaa…mas’uul kasta oo dowlihi ahi geed meel ka baxay maaha, qofku hadduu shaqeyn waayo waa laga qaadayaa xilka oo qof kale oo shaqo ka fiican qabta ayaa la keenayaa”

Mar wax laga weydiiyey shirka bilowga June lagu wado inuu ka furmo magaalada Galkacayo wuxuu sheegay in shirkaasi yahay shir wadatashi oo la doonayo in lagu saxo khaladaadkii dhacay muddadii ay Puntland jirtey.

Waxaa kaloo wax laga waydiiyey maamuullada qaar oo sheegay inay ka soo horjeedaan in shirka Gaalkacyo lagu qabto ayuu wuxuu kaga jawaabey “Gaalkacayo waxay ka tirsan tahay Puntland…ciddii shiddo lasoo aadana waa iskaga fillannahay…cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso shirka kolley waxbaa nooga qorsheysan waa difaaceynaa waana ka hortegeynaa”

Qaxootiga kasoo cararaya Yemen ayuu GAAS ka hadaly isagoo Codsaday in laga caawiyo Puntland dadlkaas faraha badan ee ku soo qulqulaya.

Gabogabadii waxaa wax laga waydiiyey Mooshinka laga keenay baarlammaanka Jubaland, wuxuuna sheegay inay khalad tahay in Baarlammaanka Federaalku soo farageliyo arrinta baarlamaanka Jubaland, wuxuuna ku baaqay in arrintaas faraha lagala baxo.

Dhagayso GAAS


Puntlandes.com

About The Author