DHAGAYSO: Madaxa xafiiska difaacaha xaquuqul aadanaha PL ”Waxaan Cambaaraynaynaa Xarigii wariyeyaasha, waana sharcidaro”

91

26 May 2015 (Puntlandes)- Madaxa xafiiska difaacaha xaquuqul aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa walaac aad u daran ka muujiyay ficillada kutumashada sharciga ee ay ku dhaqmayso dawlada Puntland, waxaana uu si xoog leh u cambaareeyay habkii lagu xiray Agaasimihii Daljir Garowe, Iyo wariye Jamaal Faarax Aadan.

Madaxa xafiiska difaacaha xaquuqul aadanaha Puntland ayaa sheegay inaysan aqbali doonin inay Puntland isku bedesho NIDAAM KALIGII TELIS ah waxaa uu dawladda ugu baaqay in ay xaq-dhowrto madax-banaanida muwaadiniinta oo ay ku cadahay xaqoodu Dastuurka Puntland.

Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay inaan wali la arkin wariye Maxlamad lagu soo taagay dambi uu galay. Waxa uuna intaas ku daray inay taagan yihiin in Dastuurka lagu dhaqmo. I

Maxamed Yuusuf Cali ayaa yiri ”looma baahna in dhaqankii xumaa ee qofka la iska xiranayey lagu sii dhaqmo”

Dhagayso Madaxa xafiiska qaybta 1aad


Dhagayso Madaxa xafiiska qaybta 2aad


Puntlandes.com

About The Author