Dhagayso: GAAS oo u hanjabay Suxufiyiinta

1321

26 May 2015 (Puntlandes)- Madaxweynaha Puntland cabdiwali Maxamed Cali GAAS ayaa ku hanjabay inay dowladiisu tallaabo ka qaadi doonto warbaahintii ama wariyihii laga arko inaysan dhex dhexaad ahayn.

GAAS ayaa waraysi uu siiyey idaacadda VOA ku sheegay in aan la dhaliili karin haddii la dhaliilana ay mecneheedu tahay Dumin sharcigana lala tiigsan doono kuwaas.

Gaas ayaa wuxuu kaloo ka hadlayaa garsoorka Puntland iyo dadka ka shaqeeya oo uu ku tilmaamay dad aan wax soo baran, in badan o oka mid ahna uu ruqseeyey..!

Waxaa xusid mudan, in Madaxa xafiiska difaacaha xaquuqul aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa walaac aad u daran ka muujiyay ficillada kutumashada sharciga ee ay ku dhaqmayso dawlada Puntland, Uuna sheegay inaysan macquul ahayn in dadka la isaga xirto sidii hore ayna tahay in Sharciga la ilaaliyo halka uu GAAS wali ku hanjabayo in uu ku tunto Dastuurka Puntland.

Dhagayso GAAS


Puntlandes.com

About The Author