DFS oo soo saartay Qiyaas Tirokoobeed ah “Nimaad Taqaano yaad tahay lama dhaho”

91a

26 May 2015 (Puntlandes)- Maanata  ayaa Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee DFS ay ku soo bandhigtay Muqdisho qiyaas ku saabsan tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku nool xiligaan 18 gobol ee Soomaaliyadii hore.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiirka aan qarsan u doodida Qabiilkiisa (Hawiye)  Ceynte,  iyo marti sharaf kale ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay meeshii lagu faafinayey Qiyaasta lagu soo qortay Villa Wardhiigleeey.

Wasiir caynte oo og Riwaayada uu jilayo in aysan Soomaaliyi ka qaadanayn ayaa yiri “Waxaani maaha Qiyaas Siyaasadeed ee  waa Qiyaas Cilmiyeed” Cilmiyoow Xaalqaado. Wasiirka oo ay ka muuqato sas iyo degenaansho la’aan ayaa wuxuu intaas ku sii daray in uu diyaar u yahay in la saxo oo qaladaadka ku jira laga saaro waa sida uu hadalka u yiriye. Soomaalidaa waxay tiraahdaa “Geel dhalaan qaaday ma dheera” iyo Nimaan taqaan yaa tahay lama dhaho” awabla way cadayd waxa Caynte looga soo dhiibayo Villa wardhiigleey.

Halkan ka akhri Qoraal aanu hore u daabacnay

Bal Qiyaas Siyaasadeedka Villa Wardhiigleey

Banaadir 1650227
Shabeelada Dhexe 516036
Hiiraan 520685
Galgaduud 569434
Shabeelade Hoose 1202219
Baay 792182
Bakool 367226
Gedo 508405
Jubada Dhexe 362921
Jubada Hoose 489307
Mudug 717863
Sool 327428
Sanaag 544123
Bari 719512
Nugaal 392698
Togdheer 721363
Awdal 673263
Waqooyigalbeed 1242003

 

Akhriste bal nala eeg Shaxda ay Villa Wardhiigleey ku riyootay oo ay rabto in lagu qaybsado Xildhibaanada 2016.

Gobolka  Tirada dadka  Tirada Xildhibanada ku soo aadaysa
Sool 327 428 7
Jubada Dhexe 362 921 8
Bakool 367 226 8
Nugaal 392 698 9
Jubada Hoose 489 307 11
Gedo 508 405 11
Sh Dhexe 516 036 12
Hiiraan 520 685 12
Sanaag 544 123 12
Galgaduud 569 434 13
Awdal 673 263 15
Mudug 717 863 16
Bari 719 512 16
Togdheer 721 363 16
Baay 792 182 18
SH Hoose 1202 219 27
W Galbeed 1242 003 28
Banaadir 1650 227 37
Isu gayn 12 316 895 275
Tirada Xildhibaanada                                                                      275
Qiyaas Siyaasadeedka Villa Wardhiigleey 12 316 895
1 Xildhibaanba dadka soo dooranaya 44 789

91b

Puntlandes.com

 

 

About The Author