Waraysigii Madaxweyne Gaas ee VOA

Waxaa jira wax afka qalaad lagu yiraahdo,  ”Hallucinations” oo micnaheedu yahay in uu qofku samaysto masawir aan dhab ahayn oo uu  u qabo in uu masawirkaas si dhab ah ugu jeedo ama u arko.

Codad buu maqlaa inta badan eedayn ah. Qofka arintaas qabaa ma maqlo codadka dhabta ah iyo xaqiiqda dhabta ah ee meesha taal. Arrintaasi waxay ka dhalataa oo kaliya qofka maskaxdiisa.

Hallucination: ku wuxuu kaga duwan yahay sifada kale ee uu qofku ismoodsiiyo waxa aan jin oo ah Illusion, tan illusion:ka ah wuxuu qofku arka wax run ah LAAKIIN WUXUU U TURJUNTAA SI KHALAD AH.

Marka xataa hadii uu qofku ku doodo in uu arko masawir dhab ah, waa runtiis oo taasi waa dhab, laakiin sida uu u arko baa khaldan. Inta badan waxaa lagu isticmaalaa indho sarcaadka oo kale oo uu qof sixiroole ah ku tuso masawir khaldan ama kaa yaabiya, kaas ooka bedelan xaqiiqda.

Hallucinations: ka waxaa keena sababo badan oo kala ah.

In uu qofku cabsan yahay, in uu draag isticmaalay. Waxaa kale oo keena cudur qofka haya. Sida Delirium oo ah in qofka ay la soo deristo isku dhexyaac xun oo ay keentay is bedel maskexeed, taas oo ka dhalatay dhaawac jirka uga dhacay ama xanuun jirkiisa si ded deg ah ula soo gudboobaanadey. Waxaa kale oo keena Dementia = cudur maskaxda ku dhaca oo keena in ay si fiican u shaqayn weydo maskaxda qofku. Cudurada keena waxa kaloo ka mid ah  Epilepsy, Fever, Narcolepsy, schizophrenia.

Xaqiiq ahaanta doodihii Madaxweynaha ee waraysiga VOA.

Halkan ka dhagayso

Marka la eego waraysigii madaxweynaha ee VOA:du ay shalay la yeelatay waxaa kuusoo baxaysa tilmaamo u eg sifada aan kor kusoo qaadanay ee ah Hallucinations:ka.

Iyadoo ummadda reer puntland oo dhami la yaaban yihiin meesha ay maanta Puntland ku socoto. Iyadoo shirkii loogu talo galay in degmooyinka ku jira barnaamijka qaramadda midoobey ee horu marinta degmooyinka ee lug qaban lahaa Puntland loogu wareejiyey Ethiopia amman dari awgeed.

Iyadoo mudo sannad ku siman aan mushaar la bixin. Iyadoo Somaaliland qabsatay dhul hor leh oo ay maalin dhaweyd yimaadeen 40KM meel Garoowe u jirta.

Iyadoo al shabaab ay tuulooyin Bari ku yaal qabsadeen oo ay askar ku laayeen. Iyadoo cadaaladdii iyo kala danbayntii madxtooyada laga wadi la,yahay.

Waa taariikhda waddankii la oran jiray Soomaaliya markii ugu horeysey ee askar Madaxtooyada ka timid inta Maxkamad xoog ku gashay, la baxday Dambiile.

Waa taariiskha markii ugu horeysay ee xukuumad Puntland ah laga keeno Mooshin xil gudasho la,aan awgeed ( xukuumadaas oo jirtey wax ka yar 1,5 sano  oo keliya).

Waa taariikhda markii ugu horeysey oo wariyeyaal lagu xiro dood cilmiyeed ay qabteen iyagoo aan wax dembi ah lagu eedayn, hadana la siidaayey iyagoo aan loo cadyn sababta.

Waa taariikhda markii ugu horeysey ee Wasiir iyo agaasimihiis ay dagaal guudka is qabsadaan. Waa taariikhda markii ugu horeysey ee saraakiil ciidan oo madaxweyne eryey ay shaqadooda si caadi ah u wattaan iyagoo lagu arkayo xeryaha ciidamada, fagaarayaasha madaxdu isugu timaado.

Caawa oo dhan baa la tirin karaa waxa foosha xun oo Puntland ka socda.

Markaas buu madaxweynuhu ku jawaabey.

Dawladnimada baan wax badan ka qabanay!

Ammanka baan wax badan oo muuqda ka qabanay, markaas buu weliba damcay inuu  wariyihii markhaati beenaale  ka dhigto!  Markaas bay ugu jawaabtey dadku waxay idinku eedaynayaan habacsanaan ammaan iyo dhaqaale.

Cadaaladdaan wax ka qabanay buu yiri !! Halka ay askartiisu  weerareyso Maxkamadihii iyo idaacadihii!!!

Intaas oo hadal iyo sheegasho aan jirin markuu is daba dhigey, ANIGA WAXAA II CADAATAY IN UUSAN XAQIIQDA INKIRAYNE SI KALE WAX U KHALDAN YIHIIN.

Bal ku day!  oo u barbar dhig erayga kor ku xusan oo qiimee. Is weydii, Malaga yaabaa in  uusan xaalku inkiraad ahayne uu madaxweynuhu si dhab ah u arkayo masawir  ka bedelen XAQIIQDA?

Haday sidaa tahay muxuu noqon xaalka Puntland?

Maxaa la gudboon reer Puntland ? ma dad maalin cad riyoonaya oo wax xaqiiqda ka fog haysta baan u deynaa masiirkeena?

Ogow qofku markuu xaqiiqda og yahay buu wax ka qabashadeeda u guntadaa. Laakiin hadduu meel cagaaran oo quruxbadan ay u muuqato iyadoo dhibaatooyin farabadan jiraan laga sugimaayo wax hagaajin.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author