Daawo Video-Akhri: Gudiga Samadonada Soomaliyed oo Shir ay ku qabteen Nairobi Cadeeyey Qadiyada Gobolka Mudug ee PL

92a

26 May 2015 (Puntlandes)- Magaalada Nairobi waxaa maanta Shir Saxaafadeed ku qabtay Gudiga Sama Doonada Soomaaliyeed, waxayna Shirka ay Saxaafada u qabteen kagaga hadaleen Xaalada  ka jirta GobolkaMudug taas oo DFS, Maamulka puntland iyo Ergooyinka ku hawlan dhismaha gobolada dhexe ay baaq ugu direen una sheegeen in ay dadka wada ka waantoobaan in Gobolada dhexe ee Soomaaliya lagu soo daro deegaanada uu maamulku ka jiro ee Puntland hoos taga.

Waxgaradkii Shirkaas ka hadla ayaa waxaa ka mid ahaa Sh Khaliif Guure oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in qorshaha Maamul u samaynta Gobolada Dhexe ee dalka oo lagu soo daro deegaano ka tirsan Puntland uu dhalin karo halis Siyaasadeed oo saamayn ku yeelata DHAMAAN dalka Soomaaliya.

Gudiga ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliyeed lagana fogaado wax kasta oo horseedi kara Colaad iyo dhiig Soomaaliyyed oo daata iyagoo ku baaqay in ilaaliyo Dastuurka ummadda Soomaaliyered ku heshiisay. Gudigu waxay sheegeen in Waqooyiga, Bariga iyo Galbeedka Mudug inay ka tirsan yihiin ayna ka tirsanaayeen 17 sano.

Ugu dambayn Gudiga ayaa uga digay Beesha Caalamka gaar ahaan Amb Key inay cidii dhibaato keentaa ay masuuliyadeeda qaadidoonto.

Daawo Shirka jaraa’id

Halkan hoosena ka akhr war saxaafadeedkii ay soo saareen Gudigu

SHIR SAXAAFADEED

UJEEDO: TALA KA BIXIN SHIRKA CADAADO KA SOCDA

  1. In la ilaaliyo midnimada Soomaaliyeed, lagana fogaado waxkasta oo horseedi kara iska hor imaad iyo dhiig soomaaliyeed oo dib u daata, sidoo kale in la ilaaliyo dastuurka ummadda Soomaaliyeed, dariswanaagga.
  1. Dawladda feedaraalka inay qaadato kaalinteeda dawladnimo ayna ka dheeraato waxkasta oo keeni kara, qalaalaase iyo iska hor imaad shacbiga dhexdiisa ah, iyada oo laga faa’iidaysanayo dhibaatadii la soo maray muddadii burburka.
  2. Waxaan taageersanahay kuna faraxsanahay inay maamullo samaysmaan Soomaaliya oo dhan, k,uwii hore u jirayna aan la faragalin iyo doorasho xor iyo xalaal ah ay dhacdo 2016ka. Sidaas awgeed shirka Cadaado ka socda waxaan ka maqalnaa (Mudug iyo Gal-guduud) iyada oo la ogyahay in gobolka Mudug Waqooyigiisa, Barigiisa iyo Galbeedkiisu ba yihiin D. G. Puntland ayna ka mid ahaayeen 1998 gobolladii ku midoobay Puntland, sidaas dardeed sida dastuurku dhigayo in aan la faragalin maamul horey u dhisnaa.
  3. Ugu dambayn waxaan beesha caalamka la socodsiinaynaa oo ay ugu horreeyaan wakiilka Q.M ee Soomaaliya iyo IGAD in wixii dhisma xuma ah oo ka yimaad ah maamulka la hadal hayo ay masuul ka tahay ciddii keenta dhibtaas.Gudida samadoonada ee Soomaalida Kenya-Nairobi:
    1. Khaliif Guure Cali.
    2. Xaamid Maxed Xuseen.
    3. Maxed Xasan Jibriil.
    4. Salaan Xandulle.
    5. C/Risaaq Muuse Hashi
    6. Nuur Ismaaciil Canshuur
    7. Xoosh C.Lle Xasan
    8. Kariin Siciid Muuse
    9. Maxed Xasan Shakuul
    10. Sandheere C.Lle Dheere
    11. Waaxid Cabdi Xaashi
    12. Faarax Jaamac Faarax
    13. Faarax Jaamac Maxed
    14. Wali Biixi Jaamac
    15. Saleebaan Cabdi Cali Garaad Axmed Digaale

92b

92a

92

Puntlandes.com

 

About The Author