Daawo Video: Madaxweyne GAAS “Hal Askari oo Puntland ah oo Qori ay Dawladda leeyahay haystay ma jirin markaan xilka qabanay”

17

26 May 2015 (Puntlandes)- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi uu siiyey PLTV ku sheegay in uusan jirin Booliis ka shaqaynayey Puntland markuu Xilka la wareegayey, wuxuuna isagoo sharaxaya yiri Bosaso ayuusan ka jirín, Qardho ayuusan ka jirin, Gaalkacyo ayuusan ka jirin, Garowe ayuusan ka jirin Booliis, CAJIIB!!

Madaxweynaha ayaa Amni xumada Puntland iminka ka jirta ku eedeeyey wax ay Mucaarid samaynayaan oo aan jirin ee ay Amni tahay. wuxuuna ku dooday in Amnigu uu fiicnaaday.

Wuxuu kaloo intaas ku sii daray GAAS in uusan Puntland ka jirin hal Askare oo Qori ay dawladu leedahay ku shaqeeya ama haystay markuu Xilka la wareegayey, CAJIIB!!!!

Maxadweyna GAAS ayaa mar Amniga wax laga waydiiyey wuxuu si Xanaaq ku dheehan yahay u jiri shaqo fiican ayaan ka qabanay, amniguna si fiican ayuu u sugan yahay, waxaa la rabaa in la is bar-bar dhigo markaas xilka la wareegay ka hor iyo hada isagoo isku jawaabaya ayuu yiri markii hore Amni ma jirin.

Waxaa madaxweynaha wax laga waydiiyey meesha uu ku dambeeyey Shidaal baaristii Puntland ka socotay wuxuuna ku jawaabay inay Shidaal iyo Macdan ay jiraan waxyaalo ka wagaansan oo shaqo abuuri kara sida Kaabayaasha dhaqaalaha ee aan ku hawlan nahay… CAJIIIB!!!

Madaxweynaha ayaa ku Cataabay in wax yar yar la buunbuuninayo oo laga dhigayo in Amnixumo jirto .. waa Qaraxyo yar yara iyo waxyaalo yar yar ah.. Waxaad moodaa in uusanba madaxweynuhu ogaynba halka wax marayaan iyo in Xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso dhexdeeda aysan waligeed dhicin uu ka dhacay ugu yaraan 10 dagaal, oo habeenimo la soo weeraray saldhigyo Booliisna la qabsaday.

Waxaad moodaa in uusanba ogayn dhibaatada ay Puntland u keentay Shaaalihii UN ka ee lagu laayey Caasimada Puntland ee garowe sybax cad, taasoo ah midaan horay u dhicin.

Halkan ka Akhri Qoraal Cilmi ku dhisan oo uu ku saabsan hab dhaqanka madaxweynaha

Daawo Waraysiga GAAS

Puntlandes.com

About The Author