Sawirro: RW Xamse oo soo xiray shirweynaha Caalamiga ah ee Maalgashiga Soomaaliya jadwalkiisii waxka bedel……

29 Nov 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliy Xamse Cabdi Barre ayaa galabta soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo shalay iyo maanta ka socday Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka Soomaaliya uu leeyahay.

Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya ayaa waxaa furay madaxweynaha JF Soomaaliuya mudane xasan Sheekh, waxayna ahayd inuu xiro wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud C/raxmaan Beenebeene.

Soda ka muuqata jadwalka shirka meelna ugama jirin RW Xamse laakiin waxay u muuqataa in wax laga bedelay oo waqti kooban laga siiyey xiritaanka shirka.

Shirarka noocaan oo kale ah ayaa waxay horay u ahaan jirtay in maxadweynuhu furo Raiisul wasaaruhuna soo xiro laakiin kani jadwalkiisa sidaas waa ka duwanaa sidaad hoos ka arkaysaan.

About The Author