GAAS oo Maamul cusub u magacaabay Gobolka Bari iyo Degmada Bosaso

27 May 2015 (Puntlandes)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa maanta u magcaabay Mas’uuliyiin cusub Gobolka Bari iyo Degmada Bosaso isagoo kala diray Golaha deegaanka Degmada Bosaso.

Mas’uuliyiinta Gobolka oo uu Madaxweynaha Puntland u magacabay xilalka ayaa kala ah:

1) Guddoomiyaha Gobolka Bari waxaa loo magacabaya Yuusuf Maxamed Wacays’’Dhedo’’.

2) Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Bari waxaa loo magacabaay Axmed Cali Cabdulaahi.

3) Axmed Xaaji Maxamed Axmed waxaa isna loo magaacabay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gobolka Bari.

Mas’uuliyiinta Degmada oo uu Madaxweynaha Puntland u magacabay xilalka ayaa kala ah:

-Maxamed Siciid Shabeele ayaa si Kumeel gaar ah loogu magacaabay duqa degmada Bosaso.

-Qaasim Cabdiraxmaan Caluuke ayaa isna si Kumeel gaar ah loogu magacabay Guddoomiye ku xigeenka degmada Bosaso.

Madaxweyne Gaas ayaa wuxuu Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ku amray inay 45-cisho kuso dhisto Golaha deegaanka degmada Bosaso.

Puntlandes.com

About The Author