Dhagayso: Shirkii wadatashiga Puntland oo dib loo dhigay, shakina uu ku jiroo in uuba qabsoomayo!!

28 May 2015 (Puntlandes)- Guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in dib loo dhigay shirkaas oo qorshuhu uu ahaa inuu qabsoomo 1 juun 2015 kana dhaco magaalada Gaalkacyo. Iyagoo ku sababeeyey bisha Barakaysan ee Radaan. Waxaynu ognahay in shirku uu socon lahaa 10 wuxuuna soo dhamaan lahaa 10 Juun iyadoo ay bisha Barakaysan ee Radaan dhalanayso 18 ka ama 19 ka juun 2015.

Gudoomiyaha guddiga Maxamuud Xaaji Saalax ayaa wuxuu Shit Jaraa’id oo qabtay maanta ku sheegay in bisha Barakaysan ee Radaan ka dib la sheegidoono goorta uu qabsoomaya!!!

Saalax ayaa su’aalo laga waydiiyey sababta si toos ah ugama uusan jawaabin, Dhawaan ayey ahayd markii Guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga Puntland ay ku dhawaaqeen in uu shirku dhacayo 1  ilaa 10 juun 2015 kana dhacayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug., waxayna ahayd markii labaad iyadoo markii hore la sheegay in uu dhacayo 15 may 2015.

Dhagayso Guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga Puntland


Puntlandes.com

About The Author