Degmooyinka Qandala, Buurtinle iyo Galdodob oo kusoo biirey mashruuca horumarinta ee JPLG

76a

30 May 2015 (Puntlandes)- Degmooyinka Qandala, Buurtinle iyo Galdodob oo ka kala tirsan Gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug ayaa lagu soo daray degmooyinka uu ka shaqeeyo Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka Puntland ee Qaramada Midoobey taageerto (JPLG), Ku darista sadexdan Degmo ayaa waxay ka dhigaysaa 10 Degmo tirada guud ee dogmooyinka mashruucaas nasiibka u yeeshay.

Mashruucaan ayaa ilaa hada ka shaqeeya Xarumaha Degmooyinka, waxaana loo baahan yahay in uu gaaro oo ay ka wada faa’iidaystaan dhulka hoos yimaada Degmo walba oo ay ka mid yihiin Magaalooyin aad u koray una qalma inay Degmo noqdaan oo aan tusaale u soo qaadan karno magaalada Bursaalax oo hoos tagta Degmada Galdogob.

Go’aankan ayaa kasoo baxay shirka lix-biloodlaha ah ee lagu qimeeyo horumarka mashruucan, shirkaas oo dhowaan kusoo gaba gaboobey magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Ethiopia. Mashruucan oo ay maal geliyaan hay’adaha UNDP, UN-HABITAT, UNCDF, ILO iyo UNICEF oo taageero ka helaya dalalka Sweden, USA, Italy, Norway iyo Denmark,.

Puntlandes.com

About The Author