Beelweynta Maxamed Ugaar ee Ciise Maxamuud oo caddaysay inay ka qayb qaadanayso dib u xoraynta Laascaanood

31 Dec 2022 (Puntlandes) Beelweynta Maxamed Ugaar ee Ciise Maxamuud oo shir ay ka yeelatay xaalada cakiran ee magaalada Laascaanood ayaa caddaysay inay ka qayb qaadanayso Ciidana iyo calafna ku biirinayso dib u xoraynta Laascaanood

Hoos ka akhriso war saxafadeedka:

Beelweynta Maxamed Ugaar ee Ciise Maxamuud war saxafadeed ku saabsan xaaladda Laascaanood

31/DEC/2022

Shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday Golaha wax garadka, aqoon yahanka, dhalinyarada iyo saraakiisha beesha Maxamed Ugaar ee ku sugan wadanka gudihiisa iyo dibadiisa waxay kasoo saareen war saxaafeed loogu tacsiyeynayo walaalaha reer laascaanood ee sida arxan darro da ah maamuulka soomaliland ugu xasuuqayey mudooyinkii ugu dameeyey aqoonyanka, indheer garadka, dhalinyarada iyo haweenka beelweynta dhulbahanta ee degta Gobolka Sool.

Waxaa muuqata in lixdii bari ee lasoo dhaafay ciidamada soomaliland ka jooga Laascaanood ay laba jibaareen dilalka lagu hayo dadka birimo gaydada ah ee kunool Laascaanood, Waxaan ka xunnahay in dadka aan walaalaha nahay ee degan magaalada Laascaanood loo gaysto xasuuq, dabargoyn iyo gaboodfal aan meel dayin.

Mowqifka Beesha.

Beeshu waxay go’aan ku go’aan satay inay cududooda ku biiriso halganka socda ee lagu xoraynayo Gobolka sool, iyaga oo kaga qayb qaadanaya ciidan, dhaqaale, calaf iyo cududba.

Waxa naga go’an haddii aan nahay beesha Maxamed ugaar ee Ciise Maxamuud in sida u dhakhsaha badan u dirno ciidan iyo cudud reerku leeyahay si aan u garab istaagno shacabkayaga reer Laascaanood.

Bulsho waynta degan Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay cududooda dhaqaale iyo ciidan kusoo biiriyaan halganka xoreynta gobolka sool.

Gababo.

Waxaan codsanaynaa in aan la siyaasadayn halganka socda cidwalba oo ka diirnaxaysana ku biiriyaan awoodooda halganka socda ee lagaga saarayo maagaalada laascaanood ciidamada reeraysan ee sida xooga ah ku jooga Gobolka sool kuna xasuuqadaya dadka birimo gaydada ah.

Wabilaahi towfiiq

About The Author