Sawirro: Dugsi Farsamada gacanta ah oo dhismihiisa laga bilaabay degmada Waaciye

05 May 2023 (Puntlandes) Waxaa degmada Waaciye ee gobolka Karkaar si rasmi ah looga dhagax-dhigay iskuul heer-sare ah oo loogu talagallay farsamada gacanta ee Puntland, kaas oo dawlada ay ka caawinayso hay’ada GIZ ee dalka Germayn.

Wsiirka Wasaarada Qorshaynta dawlada Puntland Maxamed Said Faroole oo ay weheliyeen wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Cabdiraxmaan Dujaana, wasiir ku xigeenka Maaliyada Cumar, Xildhibaano ka tirsan Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Waaciye, bahda waxbarashada, Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada, qaybaha bulshada iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-gallay.

Iskuulkaan oo mudo la dhawrayay, ayaa ujeedada ugu wayn waxay tahay sidii da’a yarta Puntland loogu jihayn lahaa xirfada gacanta, taas oo ka qayb-qaadanysa in dhalinyaradu isku filaansho gaarto, sidoo kalena iskood shaqo abuur u samaystaan.

Ugu horayn Gudoomiyaha degmada Waaciye Isxaaq Axmed Xasan, Gudoomiyaha waxbarashada degmada Waaciye Qaasim Qambi, Odayaasha deegaanka ayaa hadlay, waxayna soo dhaweeyeen dhismaha xaruntaan oo ay tilmaameen in baahi wayn loo qabay.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Said Osman, Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada Puntland Juba Cali Nuur, Xildhibaan Axmed Bashiir ayaa sheegay in mashruucan oo waxtar weyn u leeyahay bulshada.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbrashada Cabdiraxmaan Dujaana, wasiir ku-xigeenka maaliyada Omar Fiqi, iyo wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Said Faroole waxayna si wada jir ah u sheegeen in dawladaan ay ka go’antahay horumarinta xirfadaha.

About The Author