Dhagayso: Dr Gaas ”ma Muuqato wax kalifi kara in Dastuurka la furo si dan gaar loogu qabsado”

05 May 2023 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaari hii hore ee Soomaaliya isla markaasna ah madaxweynihii hore ee dawladda Puntland Dr cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyey VOA Somalia ayaa ka digay in xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Siciid Deni ay furto dastuurka Puntland.

Dr Gaas ayaa yiri Gaas ”ma Muuqato wax kalifi kara in Dastuurka la furo si dan gaar loogu qabsado”

Dr Gaas ayaa dhaliilay Baarlamaanka dawladda Puntland isagoo sheegay in Xukuumadu waxay rabto ka fushato, wuxuuna yiri “Baarlamaanku wuxuu ku milmay xukuumadda, isla markaana waxaa dhacy wax badan sida in la weerary baarlamaanka laftigiisa”

Dr Gaas ayaa yiri “Puntland waa ka wayntahay Siciid waa ka horaysay waana ka dambayn doontaa”

About The Author