Sawirro: Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya oo gaaray Garacad

05 May 2023 (Puntlandes) Safiirkadalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ibraahim Mete Yagli ayaa gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, waxaana si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha deegaanka Garacad.

Maamulka deegaanka, Madaxda shirkadda Wadaagsan iyo MaamulkaTTN oo ah shirkadda dhisaysa Dekedda Garacad ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta danjire Ibrahim Mete Yagli.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa la socday wafdiga oo ka soo duulay magaalada Garoowe.

Ujeedka socdaalka danjire Ibraahim Mete Yagli ayaa la sheegay inuu la xiriiro dhiirigelin maamulka shirkadda dhista dekedda ee TTN iyo shaqaalaha Turkiga ah.

Hormarka ku yimid Wadatashiga ayaa soo jiitay indha caalamka.

default
default

About The Author