Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland oo cambaareeyay soo jeedinti Golaha Wasiiradda Puntland ee wax ka bedelka Dastuurka Puntland

05 May 2023 (Puntlandes) Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA ayaa cambaareeyay soo jeedinti Golaha Wasiiradda Puntland ee wax ka bedelka Dastuurka Puntland.

Urur Siyaasadeedka Dhallinyarada wuxuu Madaxwayanaha Puntland ku eedeeyay inuu horay u diiday soo jeedintii 13 ka qodob ee ururadu soojeediyeen 29 Nov 2022 asagoo wakhtigaas sabab uga dhigay in wakhti dastuur lafuro uusan harsanayn caqabado badana lagala kulmi karo lkn uu hadda dantiisa ku wato wax ka badalka dastuurka ee kordhinta xisbiyadda siyaasada ee soo bixi doona.

Sidoo kale Urur Siyaasadeedka Dhallinyaradda wuxuu Baarlamaanka Puntland ugu baaqay inaysan ansixin soo jeedinta xukuumadda dalkana ka badbaadiyaan fowdo iyo jaha-wareer siyaasadeed.

About The Author