Sawirro: Madaxda Maaliyadda & Qorsheynta Puntland oo yeeshay kulan looga wada hadlay dardargalinta Dalkhliga Dowladda

03 Apr 2024 (Puntlandes.com) Madaxda Labada Wasaaradood, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorsheynta ayaa yeeshay kulan looga wada hadlay dardargalinta Dalkhliga Dowladda.

Kulankan waxaa ka qayb-gallay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale oo kaa tirsan labada Wasaaradood.

Intii uu socday Kulanka ayaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee labada Wasaaradood, gaar ahaan kor u qaadista iyo soo xareynta Canshuuraha iyo soo saarista dakhliga dawladda oo ay labada Wasaaradood iska-kaashadaan.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo madaxda kale uga mahad celiyey wada shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa dadaal ku bixiya sidii loo heli lahaa dakhligii dalka lagu hormarin lahaa si dowladduna u gudato Waajibaad keeda shaqo, wada shaqaynta Wasaaraduhuna doorwayn ka qaataan soo xeraynta dakhliga.

About The Author