Sawirro: Bursaalax-Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Arimaha gudaha, maamulka degmada, Isimada, odayaasha dhexdhexaadinta & odayaasha beesha reer Khalaf

21 April 2025 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali (Jifo Jabsade) ayaa oo ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda arrimaha gudaha, maamulka degmada,Isimada,odayaasha dhexdhexaadinta iyo odayaasha beesha reer Khalaf,shirkaas oo looga hadlay xoojinta nabadda degmada iyo adkaynta amaanka guud.
Shirka ayaa lagu kala warqaatay illaa xalay wixii noo qabsoomay iyo meesha hawshu marayso iyo sidii loo siiwadi lahaa dadaalada nabada ee socda.
Ugu dambay wxaa la isku afgartay shirkii ayadoo lagu balamay in laga wada shaqeeyo xoojinta nabada iyo sidii loowada shaqayn lahaa.

























