AUN waxa Bursaalax lagu aasay Burhaan Maxamed Cali Xaashi & Mahad Bashiir Maxamed oo xalay lagu dilay magaalada Bursaalax

21 April 2025 (Puntlandes.com) Allaha u unaxariiste waxaa maanta degmada Bursaalax ee gobalka Mudug lagu aasay gudoomiyihii degmada Bursaalax ee shirkadda Golis Burhaan Maxamed Cali Xaashi iyo ganacsade Mahad Bashiir Maxamed oo xalay gacan ka xaqdaran ku dishay gudaha magaalada Bursaalax.


Aaska ayaa waxaa ka qabgalay madaxda gobolka Mudug, Taliyaga Qaybta Daraawiishta, taliyaha qaybta Booliska, taliyaha CID gobolka madaxda degmada Bursaalax, gudoomiye kuxigeenka degmada Galdogob, Isimo, Nabadoono Cuqaal, odoyaal iyo waxgarad ka yimid deegaanada kala duwan ee gobolka Mudug.

About The Author