Muuqaal-Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo Xariga kajaray waddada maxjarka Qardho

22 April 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa xariga ka jaray Waddada Maxjarka qardho oo isku xiri doonta Magaaladda iyo Maxjarka.
Waddadan muhiimka ah Waxaa dhisideeda iska kaashaday Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dowladda Hoose ee Degmada Qardho, guddiga hormarinta Degmada Qardho iyo hay,adda Save the Children.
Wasiirka waxaa xarigjarka ku weheliyey Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha Wasaaradda, maayarka Degmada qardho, Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Masuuliyiinta Wasaaradda ee Gobolka iyo Degmadda, Agaasimaha Isbitaalka Qardho iyo Guddiga Hormarinta degmada Qardho.
Sidoo kale Wasiirka ayaa dhagax dhigay Dhirayn lagu samayn doono Waddada Maxjarka.





















