Heshiiska DFS & Turkiga: Soomaaliya oo 5% kaliya ka helaysa Shidaalkeeda

23 April 2025 (Puntlandes.com) Sida ku cad heshiis uu maamulka Xasan Sheekh la galay dalka Turkiga Soomaaliya ayaa 5% kaliya ka helaysa Shidaalkeeda, iyadoo Petrolka ay adeeganayso dawladdu laga iibin doono si lamid ah sida ay hadda u iibsato.
Haddii faa’iidada la helayo yaraantana 5% Shidaal baa loo siinayaa, iyadu dib suuqa ha uga iibsato.
Nuqulada Heshiiska baarlamaanka Turkiga ansixiyeen ee madaxweyne Erdogan kusoo saaray faafinta rasmiga ah, iyagoo ku qoran sadex luuqadood ee Ingiriisi, Soomaali & Turkish.
Dhaqaalaha Shidaalka Soomaaliya ayaa Turkigu qaadanayaa 90%, iyadoo aysan Soomaaliya wax saamayn ah ku yeelanayn cida uu Turkigu ka gadayo ama qiimaha uu siisanayo.








