C C/Shakur “Heshiiska qarsoodiga ah ee dhaxmaray Xukuumada DF & Turkiga wuxuu toos uga hor imaanayaa Sharciyada & Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ee uu Baarlamaanku meelmariyey”

24 April 2025 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu kaga hadlay heshiiskii ay dawladda Turkigu shaacisay oo dhaxmaray maamulka Xasan Sheekh iyo Turkiga, isagoo caddeeyey inuu heshiiskaaso si toos ah uga hor imaanayo Sharciyada iyo Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ee uu Baarlamaanku ansixiyey iyo sidoo kale heshiiskii ka dhaxeeya DFS iyo DG ee wadaagga kheyraadka dabiiciga ah.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalka ku yiri “Heshiiska qarsoodiga ah ee dhaxmaray Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu toos uga hor imaanayaa Sharciyada iyo Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ee uu Baarlamaanku meelmariyey ee dhigaya in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahamin ama baaris uu noqdo mid daahfuran, laga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay ayna meelmariyeen labada aqal ee Baarlamaanka.”
Hoos ka akhriso qoraalka:

