Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah & Bii’ada ee golaha Shacabka “…wuxuu ogaaday in heshiisku si toos ah uga hor imaanayo qodobo muhiim ah oo ka mid ah Sharciga Batroolka”

24 April 2025 (Puntlandes.com) Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn heshiiska Shidaalka ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Guddiga ayaa war-saxaafadeedka ku yiri “Guddigu markuu falanqeeyey nuqulka heshiiska, ayna la tashadeen khuburo madax-bannaan oo aqoon u leh arrimaha shidaalka iyo qandaraasyada la xiriira, wuxuu ogaaday in heshiisku si toos ah uga hor imaanayo qodobo muhiim ah oo ka mid ah Sharciga Batroolka.

Guddigu wuxuu la wadaagayaa dareenka ay dadweynaha ka muujiyeen sida Heshiiskan uusan uga turjumeyn danaha jiilkaan iyo jiilka mustaqbalka ee ku saansan ka faa´iidaysiga khayraadka shidaalka dalka.

About The Author