Madaxweyne Deni “Puntland markii Hawlgalada Amnigeenu dhamaado, gacanta kalaaban mayno tan Somalia” sharuudna kuxiray shirka NCC

26 April 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo ka hadlay Munaasabad Tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF ayaa sheegay in gogoshii uu horay Soomaali ugu baaqay ay wali taal Garowe, isagoo ka dhawaajiyay in shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Gogosha Wadatashiga haddii uu yahay sida midkii Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) aysan tagi doonin.

Wuxuu caddeeyay in shirka NCC ay horay uga soo baxeen bishii December 2022, kaddib markii laga leexday wixii Soomaali ku heshiisay oo ugu horreeyo Dastuurka, illaa laga laabtana aysan shirkaas tagi doonin.

MD Deni ayaa yiri “Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay wixii lagu heshiiyey oo laga leexday ilaa lagu soo noqdona cidi ku noqonmayso, Xasan haka dhabeeyo ballan-qaadka gogosha hana ku soo noqdo wixii lagu heshiiyey.”

Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay in Howlgalka Hilaac ee Buuraleyda Calmiskaat, ee lagu naafeeyey argagixisadii Daacish uu ku xigayo Howlgalka ONKOD ee Buuraleyda Calmadow, kaas oo looga sifeynayo Argagixisada Alshabaab ee ku dhuumaleysanaya deegaanadaas.

Puntland ayaa sheegtay in marka ay Puntland ku filnaato amnigeeda, meeshana ka saarto 2da kooxood ee Argagixiso aysan gacmaha ka laaban doonin in ay wax ka qabato xaaladda amniga ee Soomaaliya, maadaama ay Puntland qayb ka tahay Soomaaliya.

Madaxweyne Deni “Puntland markii ay Hawlgalada Amnigeeda dhameystirto, gacanta ka laaban mayso tan Soomaaliya in ay wax ka qabato, waayo Puntland waa qeyb ka mid ah Soomaaliya.”

About The Author