Daawo Video: Caasho Geelle “Dawladda PL waa inay dadkeeda dhagaysataa..”

4 Agoosto 2015 (Puntlandes) Marwo Caasho Geelle Diiriye oo horay Xildhibaan iyo Wasiir uga soo noqotay Puntland kana mid ahayd Aasaasayaashii Puntland ayaa habalyo ku aadan Sanadguuradii 17aad ee kasoo waregtay markii Dhidibada loo taagay Puntland u jeedisay shacabaka reer Puntland.

42g

Marwo Caasho Geele ayaa dawladda iminka ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Cabdiwali Maxamaed Cali GAAS usoo jeedisay inay dhagaystaan Rabitaanka Shacabka reer Puntland kuna hogaamiyaan taas. Caasho ayaa kula talisay madaxweyne GAAS dulqaad badan, inuu ka shaqayo danta guud oo uu ka hor mariyo tab gaar ah, inuu u dhago nuglaado shacabkiisa.

Caasho Geele ayaa waxay kaloo sheegtay in maanta iyo markii la aasaasay Puntland uu kala duwan yahay xaalka iyadoo maanta sida ay sheegtay ay dad aad u badan raadinayaan inay lacag ka sameeyaan dawladda iyagoo ugu biiray dawladda inay lacag ka helaan….

Dhanka kale Caasho Geele ayaa baaq u jeedisay maamulka ay dawladda Xamar  Cadaado ku dhoodhoobay ee Galmudug iyadoo sheegtay inay raali ka yihiin maamulkooda iyo inuu balaarto laakiin ay ka biyo diideen in iyadoo dadka dega Waqooyiga Mudug aan lagala tashan maamulkaas in hal mar ay idaacadaha ka maqlaan in lagu daray maamulkaas. marka garan waagaas iyo ixtiraam la’aantaas iyo dadkii na lagu daray oo aan noo imaan oo na waraysay….!!!!!!!!

Waxaa xusid mudan inaysan Caasho si cad u sheegin in Waqooyiga Gobolka Mudug au ka tirsan yihiin kana tirsanaan doonaan dawladda Puntland markay ka hadlaysay maamulka aan dastuurka waafaqsanayn ee ka kooban Gobol iyo barka ee Galmudug ee ay sheegtay inay “raali ka tahay balaarinta Galmudug”

Daawo Caasho Geelle

Puntlandes.com
.

 

About The Author