Dhagayso: Gen Siciid Dheere oo ku hanjabay inuu iscasilayo haddii aan dawladda PL siin Mushaar Ciidamada CAAGLEEYDA ee diiday in la tiriyo!!!!

27 Sep (Puntlndes) Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamad Xirsi (Siciid Dheere) ayaa ku hanjabay inuu iscasilayo haddii aan Mushaar la siin Ciidamada loo yaqaan CAAGLEEYDA oo diiday inay la shaqeeyaan Guddi ay u saartay dawladda Puntland inay soo Tirokoobaan siiyaana Kaarka Aqoonsiga Ciidama Puntland.
Siciid Dheere ayaa sheegey in uusan ka aamusnaan karin mushahar la’aanta ragaadisey wax uu ugu yeeray ciidamada Darwiishta iyo Booliska Puntland.

234-2a6

 

Hadalka taliyaha ayaa yimid maalmo kadib markii Warbaahinta Puntlandes ay baahisay inaysan Xaaladu ahayn sida Saxaafadda danaha ka leh ay u buun buuniso inaysan Mushahaar qaadan Ciidamada kala Duwan ee dawladda Puntalnd. Waxayna Warbaahinta Puntlandes Akhristayaasheeda usoo bandhigtay inay yihiin Ciimada Mushaar la’aanta ka cabanaya kuwo Xerooyinka 54aad iyo Godod oo diiday in la Tirokooba ayna qaataan Kaarka Aqoonsiga Ciidamada Puntland, waana taas tuu Gen Siciid Dheere ku hanjabay inuu iscasilayo haddii aan loo hogaansamin Ciidamo amardiido sameeyey iyadoo lagu qarinayo MUSUQMAASUG baahay oo hantida ummadda lagu cumo Ciidamo aan jirin.
Halkaan ka akhri XOG ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay arrintan:
EXCLUSIVE-XOG-Warbixin: Maxaa ka jira Ciidamadda PL ee ka cabanaya Mushahaar la’aan?
Khuburo la socota Siyaasadaha ka jira Puntland ayaa waxay Warbaahinta Puntlandes u sheegeen inay arrimo siyaasadeeda ay tahay waxa ka dhawaajiyey Taliye Siciid Dheere ayna Gadaal ka riixayso Kooxdii Aaran Jaan. Waa su’aale taliyuhu ma wuxuu difaacayaa Ciidam Diiday in la Tirokoobo, Ciidan Amardiido sameeyey iyagoo Qarinaya in la ogaado Tirada saxda ah ee ay ka kooban yihiin?

Taliyuhu wuxuu cadaynayaa inuu la ogaa Ciidamada loo yaqaan CAAGLEEYDA ee Amardiidada sameeyey iyo wax isdaba marinta iyo MUSUQMAASUQA ka jira Ciidamada Puntland!!
Dhagayso Gen Siciid Dheere


Puntlandes.com

About The Author