Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Xilkii iska casilay

28 Sep 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg ayaa warar lagu kalsoon yahay oo ay Warbaahinta Puntlandes heshay sheegayaan inuu Xilkii Godoomiyaha Gobolka Mudug iska casilay.

Xogta ay heshayWarbaahinta Puntlandes ayaa intaas ku daraysa inuu Gudoomiye Ereg la shaqayn kari waayey KOOXDA GAADAYARE oo iyadu marooqsatay awooda Xilka uu hayo uuna go’aansaday intuu magac u yaal ahaan lahaa inuu baneeyo xilka.

Warbaahinta Puntlandes iyadoo ka xun waxay soo dhawaynaysaa go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay Gudoomiye Ereg, waxayna dhaha tani u xaaraysaa in ama  KOOXDA Gaadayare uu GAAS u daayo Gobolka ama hadduu awoodo ka hor dhawaajiyo shacabka Gobolka Mudug.

Puntlandes.com

About The Author