Sawiro: Gudoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland oo la kulmay Madaxda Hay’ada UNDP

26 Nov 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa kulan maanta la qaatay madaxda Hay’ada UNDP Soomaaliya iyo Puntland, waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanku uu kala hadlay madaxda Hay’ada UNDP dhamaystirka mashaariicda ay Baarlamaanka la wado iyo sidii ay isula meeldhigi lahaayeen qorsahayaasha sanadka dambe.

Madaxda Hay’ada UNDP ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay sii xoojiyaan wadashaqaynta Baarlamaanka Puntland, waxaan ay hambalyo u geeyeen Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dowladda Puntland ay soo doorteen mudane Axmed Cali Xaashi oo horay u balanqaaday xoojinta xiriirka Baarlamaanka iyo Hay’adaha lashaqeeya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi wuxuu dhankiisa Hay’ada UNDP uga mahadceliyey shaqooyinka ay barlamaanka lawado, wuxuuna intaasi ku daray inay jiraan baahiyo badan oo kajira xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe iyo guud ahaan xafiisyada Baarlamaanka ee Gobolada dalka.

Xoghayaha Baarlamaanka Puntland Cali Axmed Saalax oo warbahainta lahadlay kulanka kadib wuxuu sheegay in Hay’adu ay Baarlamaanka horay uga caawisay arrimaha qalabka xafiisyada xarunta Baarlamaanka, internetka, ayna sanadka dambe qaab casri ah u dhisi doonto fadhiga barlamaanka.

vlcsnap-2015-11-26-02h16m05s51 vlcsnap-2015-11-26-02h16m29s72 vlcsnap-2015-11-26-02h16m48s40 vlcsnap-2015-11-26-02h16m56s75 vlcsnap-2015-11-26-02h17m11s236

About The Author