Wararkii u dambeeyey ee Gaalkacyo & Shirkii Odoyaasha Gaalkacyo iyo kuwa Xaafada Baraxley

27 Nov 2015 (Puntlandes) Waxaa lagu waday maanta saacadu markay tahay 9ka subaxnimo  inay kulmaan Odoyaasha labada dhinac, iyadoo ay shalay sidaas codsadeen Odoyaasha Xaafada baraxleey ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo, Dowlada Puntland na wakhti maalin uun ah ayey shalay siisay Odoyaasha Gaalkacyo.

Kulankan oo shalay u baaqday dhanka Odoyaasha Xaafada Baraxleey oo iman waayey, isla markaasna Codsaday in maalin dib loogu dhigo.

121

 Xaalada Xaafada Baraxleey

Dhamaan dadkii ku noolaa way ka Qaxeen mana jiro qof aan Malayshiyo hubaysan aan ka ahayn oo ku sugan Xaafadaas iminka.

Malaysiyada ay Hogaaminayaan Dagaal oogayaal caad ka ah Koonfurta Soomaaliya sida Cabdi qaybdiid, Indho cadde, Goobaale iyo kuwa kale ayaa ku sugan iminka Xaafadda Baraxleey ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dagaal Oogayaashan ayaa waxay Baraxleey keeneen Kaartadii dagaalka ee Xamar ay ka soo barteen taasoo ah inay soohdinta xaafada baraxleey la leedahay Qaybaha kale ee Gaalkacyo ay ka Qodeen wadooyinka gala Baraxleey Gogog waawayn waxayna waliba ku dareen Dhagxaaniyo caro tuur iyagoo ay la tahay inay Difaac u noqonayaan!!

Qaybaha kale ee Gaalkacyo

Dadkii shacabka ahaa intiisii badnayd way ka qaxeen iyagoo ka baqanaya in waxyeelo kasoo gaarto haddii la dagaalamo, inkastoo dad soo noqdeen.

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

 

About The Author