RW Sharmake oo Xamar kasoo duulay Cadaado na kusoo hormaraya

27 Nov 2015 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo ay dawladii taageero dhan walba ah siiso maamulka aan dastuurkii lagu heshiiyey waafaqsanayn ee Galmudug iyo wafdi hogaaminayo oo ka kooban Wasiiro, xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa kasoo duulay Magaalada Muqdisho, isagoo uu Raysul waasare Sharmarke uu kusoo hormari doonaan degmada Cadaado halkaas oo uu kula kulmi doono Saaxiibkiis Horjoogeyaasha Maamulka Sharci darrada ah ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

75e

Raysul waasare Sharmarke ayaa waxaa Safarkiisu ku saabsan yahay Xiisada ay DFS qaybta ka tahay e eka taagan magaalada Gaalkacyo.

Shacabka reer Puntland ayaan aaminsanayn inuu Raysul waasare Sharmarke wax ka qaban karo amaba kusoo kordhin karo maxaa yeelay waxa Colaadan gadaal ka riixaya madaxweynaha dawladiisa Xasan Shiik iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID, iyagoo Hub iyo dhaqaalaba ku taagearay maamula ka arimiya Xaafada Baraxleey.

Waana taas tan keentay inay dawlada Puntland iyo Wax garadaka reer Puntland u diideen inuu Raysul waasare Sharmarke kasoo dego magaalda Gaalkacyo oo ay qori dab ah la dul taagan tahay dawlada Raysul waasare Sharmarke.

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author