DEG DEG: Kulankii Odoyaasha Gaalkacyo oo baaqday kadib markay ka baaqdeen Odoyaasha Baraxley

27 Nov 2015 (Puntlandes) Warar Xog ogaal ah oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in uu baaqday kulan lagu waday inay kulmaan saaka saacadu markay ahayd 9 ka subaxnimo Odoyaasha magaalada Gaalkacyo iyo Odoyaasha Xaafada Baraxleey ee koonfurta Gaalkacyo, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Odoyaasha Xaafada baraxleey.

159b1

Kulankan ayaa shalayna baaqday kadib markii ay soo xaadiri waayeen Odoyaasha Xaafada baraxleey. Warar lagu kalsoon yahay oo ay Heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inay Odoyaasha Caadis saareen una diideen inay Kulanka nabadaynta ka qayb galaan Maamulka aan Sharciga ahayn ee Galmudug.

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author