XOG-Faalo: DFS oo Hub fara badan gaarsiisay Galmudug

27 Nov 2015 (Puntlandes) Ilo Xog ogaal ah oo jooga magaalada Xamar ee Xarunta Gobolka Banaadir ayaa usoo dusiyey Warbaahinta Puntlandes in dawladda Xamar ee DFS ay labadii maalmood ee u dambaysay kusoo daadguraynaysay Xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo Hub aad u fara badan, Rasaas, Ciidan iyo Dhaqaale.

159c1

DFS ayaa kusoo daadguraysay Diyaarad Hubkaas. Rasaasta, Ciidanka ay ku taageerayso Maamulka Galmudug. Hubka ayaa ka koobnaa AK47 ka badan 3000 Qori iyo Rasaastiisa oo aad u fara badan, Qoryaha loo yaqaan daba jeedyo, Dhashiikayaal iyo Baroomo. Waxay kaloo Diyaarado kusoo qaaday DFS Ciidamo fara badan oo ay kasoo qaaday Xamar si ay uga qayb qaataan Dagaalka lagu qaadayo Puntland.

DFS ayaa waxay doonaysaa in dagaal faraha looga gubtay dhexmaro Puntland iyo shacabka Koonfurta Mudug, iyadoo dabada ka riixaysa maamulka aan Dastuurkii lagu heshiiyey waafaqsanayn ee Galmudug.

Ciidanka, Hubka iyo saanadaas ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandes  xogta ku heshay ka dagey garoonka macmalka ah ee ay xaafada Baraxleeyay duleedkeeda ka sameysteen.

DFS ayaa ummadda Soomaalyeed fahansan tahay inay iyadu gadaal ka hurinayso Colaada ay Gaalkacyo ka wadaan Cabdi qaybdiid, C/kariim, Indho Cadde…., iyadoo dano raqiis ah ka leh Dhiiga ummadda Soomaaliyeed ee ku daadan doona Fidnada ay hurinayso.

Danaha DFS ayaa ah Waqti kororsi, Federaaldiidnimo iyo Dhul Boob aan soconayn.

Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa nabada u hiiliya waa inay dib u eegaan meesha uu xasan Shiikh ku wado ummadda Soomaaliyeed iyo sida uu u dayacay shaqadii ay ummaddu u igmatay isagoo shaqo ka dhigtay DHIIGOODA, iska horkeenkooda iyo Qabiil u kala kaxayntooda.

Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug haddii Xasan Shiikh, Cabdi qaybdiid, C/kariim, Indho Cadde ay soo qaatan waxay walba ma qabsan karaan taako ka midah waxaana difaacanaya dadka degen oo Allah ku beeray, ee armay fiican tahay in laga waantoobo daadinta dhiiga ummadda Soomaaiyeed oo aan u baahnayn dhibaatada ay dabada ka riixayaan Xasan Shiikh iyo KOOXDIISA DAMUL JADIID,

Puntlandes.com

About The Author