DEG DEG: Wararkii u dambeeyey ee Dagaalkii Gaalacyo ka dhacay

28 Nov 2015 (Puntlandes) Malayshiyada Galmudug ayaa waxay saaka weerar kusoo qaadeen Ciidamada Puntland oo fadhigooda jooga. Waxayna kasoo weerareen dhanka Koonfureed.

159b1

Ciidanka Puntland oo difaacaya shacabkiisa ayaa jawaab siiyey Malayshitadii Galmudug ee weerarka soo qaaday.

Warar hor dhaca oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inuu jiro Khasaare xoogan oo la gaarsiiyey Malayshiyada Xaafadda baraxleey ee Koonfurta Gaalkacyo ay kusoo daabushay DFS ay hogaanka u hayso KOOXDA DAMUL JADIID.

Khasaaraha la gaarsiiyey dhanka maamulka Sharci darada ah ee Galmudug ayaa ah:

  1. Gaari Tekniko oo laga gubay
  2. Meel kayd shidaal u ahayd oo laga gubay
  3. Dib loo riixay

Kala soco wixii kusoo kordha dagaalka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author