DEG DEG: Ciidanka Nabadsugida Jubaland oo Guryahooda kala baxay laba nin oo kamida Guurtida Beesha Harti Kombe

6 Dec 2015 (Puntlandes) Wararka Warbaahinta Puntlandes kasoo gaaray magaalada kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nabadsugida jubbaland ay guryahooda kala baxeen laba nin oo kamida guurtida Beesha Harti kombe, labadaas oday oo lagu kala magacaabo Graad Ali Aar iyo Nabadoon Ali goobweyn.

159d

Wararku waxay intaas kudarayaan in labadaas oday oo kamida hogaamiye dhameedyada Beesha Harti kuwooda ugu magaca & maamuska weyn sababta loogala baxay guryahooda ay kamidtahay xarig iyo barakin waayadaanba lagu waday Beesha Harti koombe ee degan Gobolka Jubbada Hoose.

Maahan madax dhaqameedkii ugu horeeysay ee Beesha Harti kasoo jeeda oo falkan argagixisinimada ah lagu sameeyo, bil ka hor ayey ahayd markii xabsiga loo taxaabay Nabadoon Abdiaziz Mohamud yusuf afguduud kaas oo xabsiga laga sii daayey isagoo aan wax maxkamada la keenin kadib markii la waayey wax danbi ah oo maxkamad la keenikaro.

Falalka xariga, dhaca, dilka, iyo caga juglaynta lala beegsanayo Beesha Harti Koombe ayaa iska socday laga soobilaabi qabsashadii kooxda raaskambooniyiintu ay la wareegeen magaalada kismaayo, siina socday dhismihii Jubaland iyadooba uuba sii xoogaystay.

Wixii war ah oo kusoo kordha xariga Guurtidan kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author