Alshabaab oo la wareegay Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool kadib markii Ciidamada Itoobiya ka baxeen

26 okt 2016 (Puntlandes) Alshabaab ayaa saaka sinabad ah  kula wareegtay gacan ku haynta Degmada Tiyeglow ee Gobolka Xudur, ka dib markii Ciidamada Ethopia iska huleeleen Degmadaasi xalay habeen barkii.

231-6a4

Dhamaan maamulkii iyo masuuliyiinti dawalada ee Dagmada ayaa hore u sii raacay Ciidamada Ethopia ee magaalada ka baxay xalay.

Qabsashada Degmada Tiyeglow ee Kooxda Alshabaab ayaa noqonaysaa Deegaankii 9aad ee Kooxdaasi u gacan gasha todaabdayo gudahood.

Deegaanada Alshabaab ay dib u qabsadeen dhawaan ayaa waxaa ka mid ah:

Rabdhuure (G. Bakool)

Burdhuhunle  (G. Bakool)

Garasweyne  (G. Bakool)

Tayeegloow  (G. Bakool)

Galcad  (G. Galgaduud)

Bud-Bud (G. Galgaduud)

Moqori (G. Hiiraan)

Ceel Cali (G. Hiiraan)

Halgan (G. Hiiraan)

 

Puntlandes.com

About The Author