Madaxweyne Cosoble oo xilka laga qaaday Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yusuf Dabageed magacaabayna mid cusub

26 okt 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo shir jaraaid goor dhow ku qabtay magaalada Jowhar ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxana uu u magacaabay  si kumeel gaar ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ah siyaasi aad u taageersan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo diiday in uu aqoonsado maamulka Hirshabeelle.

231-8b

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa waxa uu ku sheegay in maadaama xaalad adag oo dhinaca amniga ah lagu jiro loo baahan yahay in wax laga qabto ammaanka maamul goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa magacaabay guddi nabadgelyo oo ka shaqeeya arrimaha amaanka gobolka Hiiraan. Guddigan ayaa waxa ay ka kooban yihiin saraakiil ciidamo ah waxayna kala yihiin;-

  • S/guuto Cumar Aadan Dhabad.
  • G/Sare Tawane Axmed Muxumad.
  • G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
  • G/sare Isaaq Cismaan Idiris.
  • G/sare Axmed Cabdi Weheliye.
  • G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle.
  • Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.

Ciidamada Ethiopia oo deegaano badan ka joogay gobolka Hiraan ayaa dhowaan waxa ay isaga baxeen deegaanada Halgan iyo Ceel Cali halkaa oo ay si dhaqso ah kula wareegeen dagaalyahanada ururka Alshabaab, waxaana lagu wadaa inay ka baxaan dhamaan goobaha ay ka joogaan.

Puntlandes.com

About The Author