Gaasoow siday reer Puntland kuu sharfeen uguma aadan shaqayn

8 dii janaayo 2014 ayaa waxaa loo doortay madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ahaa aqoonyahay loo hanwaynaa. Laakiin waxaa shacabka reer Puntland ku dhacay ”la mood noqonse waa” meeshii uu ka shaqaylahaa madaxweyne Dr Gaas horumarinta, midnimada dadeed iyo mida dhuleed ee Puntland ayaa waxay noqotay waxa kaliya ee uu Dr Gaas ka shaqeeyaa sidii uu lacag badan u uruursan lahaa isagoo dhacaya dadkii doortay ee ku hanwaynaa, CAJIIB.

Shalay ayey ahayd markii madaxweynaha Villa xamar uu ku dhawaaqay in Gobolka Mudug ay tolkii leeyihiin ayna magaalada Xurunta u ah gobolka Mudug ay tahay magaalo Cabdiqaybdiid leeyahay.

Halkan ka dhagayso ama halkan. Videow furitaankii Shirka Cadaado daawo

Isla shalay waxa uu Dr Gaas safar dalxiis ah u adaay dalka Itoobiya isagoo uga sii gudbaya dalka Sacuudiga waxayna u egtahay in aysanba qusayn Gobolka Mudug ee la Boobayo.

Waxa kaliya ee Dr Gaas ka shaqaynayo ama uu danaynayo waa sidii uu lacag badan ku samayn lahaa, daawo sawirka Puntlandes ee maanta:

1996a
Madaxweyne Dr Gaas oo shaqadiisu noqotay siduu lacag ku dhici lahaa GAAS”MAXAA IGA GALAY MUDUG LACAG BAAN DOONAYAAYE”

 

Puntlandes.com

About The Author