Madaxweynaha DFS “Cadaado waxaa ka soo baxaya Maamul KMG ah oo buuxiyey Sharuudihii Dastuurka”

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa maanta u jawaabayey dawlada Puntland oo wasiirkeeda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaaji Warsamae oo sheegay in waxa laga dhisayo Cadaado aysan ahayn maamul buuxiyey sharuudihii Dastuuriga ahaa madaama uu ka kooban yahay ”Koonfurta Mudug iyo Galgaduud”  uuna noqonayo mid la mid ah Galmudug iyo Ximan iyo xeeb ee uusan noqonayn mid buuxiya sharuudihii Dastuuriga ahaa.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirka ka furmay Cadaado ay u dhan yihiin dhamaan dadka ka soo jeeda Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayna halkaas ka soo bixidoonto dawlad ama maamul buuxiyey Sharuudihii Dastuurkii lagu heshiiyey waa sida uu hadalka u dhigaye. Wuxuuna intaas ku sii daray in gogosha Cadaado fidsan ay ka soo bixi doonto Maamul KMG ah oo la mid ah maamulada dalka ka jira sida Puntland, Jubaland iyo KG.

“Gogosha taal Cadaado, waa loo dhan yahay, waxaana ku dhan dhamaan dadka dega Gobollada Dhexe, waxaana ka soo bixi doona Maamul KMG ah oo la mid ah maamulada hada jira dalka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Dhexe inay sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta, waxaana uu xusay in dhamaan dadka shirkaas ka qeyb galaya ay matalayaan dadka ku nool Gobolladaas.

Waxaa xusid mudan in uu madaxweyne Xasan shalay markuu ka hadlayey shirka Cadaado uu sheegay in maamul loo samaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud isagoo og in qayb badan oo Mudug ka mid ah ay ka tirsanayd Puntland mudo dhan 17 sano.

Si kastaba ha ahaatee shirka ka furmay Cadaado ayaa waxaan qayb ka ahayn Waqooyiga Gobolka Mudug oo ka tirsan Puntland. Dawlada Puntland ee uu hogaamiyo Dr Gaas oo awal looga bartay in ay dhahaan oo kaliya ”waan argagaxnay” ayaa iminka gabay in ay dhahaan ”waan argagaxnay”.

Lama garanayo waxay dawlada Gaas uga aamusan tahay Xasan Shekh iyo BOOBKa uu wado?

 

About The Author