Cadaaladii Professor/Dr. Gaas ma saas bay noqotay

1995

Shalay baan waxaan akhriyey qormo ku saabsan in ay maxkamadda gobolka Nugaal  soo gaareen laba gaari oo la sheegay in ay ahaayeen ciidanka Madaxtooyada Puntland, waxaana ay gudaha u soo galeen Maxkmadda dacwaddu ka socotey, waxaana ay gaari ku riteen Maxamed Cabdi Cabdullahi oo maxkamaddu ku xukuntey saddex sano oo xabsi ah, horeyna reerkiisu u soo qabteen si xal looga gaaro arrin loo haystey. dacwaddan muddada dheer socotey. Cinwaanka qoraalkasi wuxuu u dhignaa sidatan.  Ciidamo galay Maxkamadda Gobolka Nugaal oo xoog kula baxay nin eedaysane ah

Marka laga soo tago fadeexadda iyo ficilkan wuxuushnimada iyo mooryaannimada ah ee lagasoo abaabulay MADAXTOOYADII UMADA, ficilkaas oo ugub ku ah dhaqanka dawliga ah ee Puntland ka soo jirey 16 sano. Waxaan is waydiiyey sida ay isu qabanayaan ereyga uu Gaas hal hayska ka dhigtay marka uu meelahaas ka khudbaynayo oo ah Cadaaladda baan wax ka qabanayaa, iyo hadaan cadaalad la helin nidaam iyo wanaag jirimayaan iyo Arinta xafiiskiisa maalin cad oo loo wadajeedo laga soo abaabulay??????

Tan shalay ka dhacday Garoowe waxay tusaale fiican u noqonaysaa qoraalo aan wax badan soo dhigay barta Puntlandes.com oo ku saabsanaa. In uu ninkaani yahay af ka noole oo kaliya aan wax uga danbeeya la arag. Xag maamul, mid karti, mid caddaalad. Laguma oga.

Wuxuu ku caanbayax intii yarayd ee uu meesha joogay.

  • Is ammaanid aan cidina garanayn goorta laga xishoonayo beentaas la isku amaano oo ah anaa wax kasta ah oo keenay Puntland.
  • Aqoon la’aan, aan in badan tusaale u soo qaadanay go’aamo lagu gaaray madaxtooyada oo intooda badani qof aan waxna qorin akhrinna uu fahmi karo in aysan soconayn, bal iska daa Qaar title malaha ay forgery: gareeyeen haysta eh
  • Daciifnimo ama tabar la’aan aan lahayn ficil wax fuliya intuu doono ha le’ekaadee.
  • Been umadda loo sheego oo intaa lagu jaah wareeriyo, bakh bakh iyo wax aan jirin.

Aniga waa iga talee reer Puntlandow ka tashada Gaas. Kani ma aha sidaad u qabteen markii la dooranayeye.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

 

 

About The Author