Lacagtii Faalsada Puntland oo La Daabacay Iyo Khatar Soo food saartay Shacabka Masaakiinta ah ee Puntland Iyo Ganacsatada Maalgalisay Makiinada.

Makiinadii Lacagta Faalasada Daabici laheyd ayaa dhameysay Daabicida Lacagta Faalasada oo gaareysa Balaayiin Shilin Soomaali ka sameysan Warqada A4.Makiinadan oo ay Soo Iibiyeen Ganacsato Manaxayaal ah ayaa hada dhameeyay Daabicida Lacagta Faalsada oo Khatar Amaan Iyo Sicir barar Nololeed abuuri doonta.

Kooxahan Manaxayaasha ah ayaa Hishiis kula Galay Madaxweynaha Puntland Martida ku ah Abdiwali Ali Gaas, Waxana Hishiiskaas uu qorayaa in la kala qaato Faaidada 50/50.  Kooxahan oo aan wax Naxariis Iyo Islaanimo u Aheyn Shacabka Puntland ayaa hada u diyaar garoobay Suuq geynta Lacagaha Faalsada oo Halis ku noqon doona Nolosha Dadka Masaakiinta ah. Waxaa Iyana socda Olole looga Soo Horjeedo Lacagta Faalsada oo ay wadaan Culimada Puntland Iyo Waxgradka oo hada laga dareemayo Magaalooyinka waa weyn ee Puntland.

Geesta kale Dowlada Somalia Iyo Bangiga dhexe ayaa si weyn uga Soo horjeeda Qorshaha Laba Geesoodka ah ay wadaan Kooxahan Manaxayaasha ah Iyo Xerta Madaxweyne Abdiwali Gaas. Barlamanaanka Puntland ayaa isna ka dhex socdaa loolan Adag oo u dhexeeya Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire oo aad uga Soo Horjeeda Lacagta Faalsada Iyo Guddoomiye ku-Xigeenka Barlamaanka Abdixamiid Sheekh Abdisalaan, Iyo Saaxiibkiis Xaaji Waal ahna Guddoomiyaha Saddexaad ee Barlamaanka Puntland oo Saami ku leh Makiinada Lacagta Faalasada Daabici doonta.

Waxaa iyana howshan ku jira oo heshiis lagula galay in saami laga siinayo lacagta laga helo daabacaada Madaxweyne Abdiwali Gaas Iyo Wasiirka Maaliyada Shire Xaaji Faarax, oo iyana saami ku leh Makiinada lagu Aafeynayo Shacabka Puntland.

Ganacsatada Maalgaliyay Makiinada lagu Aafeyn doono Nolosha Dadka Puntland waa kuwa ma naxayaal ah rabana in ay ka faa’iidaystaan jileeca maxadaweyne Dr Gaas sidaasna ay ku sameeyaan lacag xaaraan ah oo xad dhaaf ah.
Halkan ka eeg lacagta ay daabaceen
2008
2008a
Puntlandes.com

About The Author