Daabulka Al-Shabaab iyo Al-Qaeda iyo Dareenla’aanta Puntland

Koonfurta Somaliya waxaa ka soo Qulqulaya Kooxda Al-shabab oo ay ku jiraan xubna Sar sare oo ka tirsan Ururkaas iyagoo usoo diga roganayaan Gudaha Puntland gaar ahaan Buuraha istraatiigiga ah ee Golis oo ah meesha Al-shabaabta Puntland ku ilma korsato kana soo qaado weerarada lala beegsado Ciidamada jiidda hore iyo kuwa inta badan ka dhaca magaalada Halbawlaha Puntland ee Bosaso.

Dhanka kale Dalka Yemen oo Xuduud badda ah la leh Dhulweynaha Puntland waxaa Dagaallada ka socda ka faa’iidaystay Kooxda Al-Qaedada Yemen oo inta badan Qabsatay Koonfurta Yemen sida Gobolka Xadrulmawt  hadaba Qabsashada Gobolka koonfurta kuyaal ee Xadrulmawt oo ah kuwa Juquraafi ahaan kuwa ugu dhow Puntland waxay khatar Amni ku tahay Puntland waxaana sifudud isaga gudbikara Al-shababta Buuraleeyda Galgala iyo Al-Qaedada Dalka Yemen waxayna sidoo kale sifudud u kala helikaraan Taageero maaliyadeed mid Hub, mid Tababar iyo is weydaarsiga khimradaha iyo farsamooyinka ay adeegsadaan kooxa haasi waxayna ugu damayn hooy u noqon karaan Buulaya silsiadda ah ee Golis Kooxaha Argagixisada ah sida Al-shabab,

Al-Qaeda, Daacish iyo waxii la halmaalah, waxaa kale oo intaas dheer Qaxooti badan oo kasoo Qaxaya Dagaalada Yemen waxaana Dekadda Bosaso soogaara maalinkasta Tira badan oo Qaxooti ah kuwaas oo isugu jirah Wadama badan sida Somali, Yemeniyiin, Bangladesh, Indonesia, Sirilaange iyo kuwa u dhashay jinsiyada kale,

Qulqulka Qaxootigaan ayaa leh walwal dhanka amaanka ah maadama ay kusoo gabankaraan Xooxaha Argagixisada ah, intaas oo dhan oo ah Khatar Dhanka amaanka ah Dawladda Puntland waa mid ka hurudda mana jidho Talaabooyin lagu hubinayo dadka soogalaya oo laqaaday iyo Codsi ay aduunka uga didhay khataraha Amaan ee soo siyaadaya silooga taageero Arimahaas, Puntland waxay leedahay Xeeba dheer oo ay lawadaagto Badda Cas iyo Tan Madawba mana jiro Nadaam kantarool oo ka jira Xeebahaas waxaana hadda si isdaba jog ah ugasoo degah Hubka moocyadiisa kala duwan oo ka yimaada Dalka Yemen maadama Hubkii Dawladda Gacanta u galay shabka uun anoqday mid riqiis ah sidaas darteedna ay Xeebaha Puntland maalinkasta soogalaan Doonyo Hub ah kuwaas oo ay ka faa’iidaystaan kooxaha Al-shabab iyo Burcadda, haddaba markala eego waxyaabahaas oo dhan waxay ku tusinaysaa khatarta amaan oo ku soo fooleh Puntland iyo Geeska Africa-ba haddaba sowmaaha Daabulka Al-Shabaab iyo Al=Qaeda iyo Dareenla’aanta Puntland.

Qore Aqoonyahan Jaale Dahir Jamac

About The Author